Sign in to follow this  
Deeq A.

FADEEXAd WAYN: “$ 93- Milyan Oo Qadimaad Ah Ayuu Muuse Biixi Ka Qaatay Saldhiga Berbera Oo Gacantiisa Qofnimo Ku Dhacday “Maxamed Baashe Xaji Xasan

Recommended Posts

Deeq A.   

$93 milyan ayuu Muuse ka qaatay oo qaddimaad ah saldhigga Berbera oo gacantiisa qofnimo ku dhacday. Waa war sugan oo ilo xogagaal ahi bixiyeen.

58C00510-F434-4C23-B455-3669C2E25036.jpe

$5 milyan ayay UAE bil kasta muddo sannad ah ku kabaysaa, laga bilaabo safarkii madaxweynuhu ku tegey UAE sannadkii hore bilowgiisii, kor u soo qaadidda qiimaha shilinka Somaliland, bishii u horreysey oo qudha ayay lacagtaasi ku dhacday bangiga dhexe, wixii ka dambeeyey lacagtaasi waa la leexsadaa oo bangiga ma gasho. Isna waa war kale oo sugan oo ilahaas xogagaalka ahi bixiyeen.

Saamigii Somaliland ee DP World ee dekedda oo ahaa 30% kuma dhaco khasnadda dawladda, laguma daro miisaaniyadda ee waxa ay ku dhacdaa xisaabaadka Dubai Somaliland Investment Company oo shakhsiyaad ku qoran. Iyana waa xog kale oo sugan.

Lacagta ka soo baxda Haamaha Shiidaalka iyo meelihii kale gacanta xukuumadda lagu soo celiyey Aug 2018 sida adeegyadii madaarka iyo arrimaha amnigiisu lama yaqaan illaa hadda meel ka baxdo oo ma gasho qasanadda xukuumadda!

Waxa jira heshiisyo qandaraas oo malaayiin Dollar ku kacaya oo si aan sharciga waafaqsanayn loo siiyey shakhsiyaad lagu naasnuujinayo sida qandaraaska $5 milyan ee la siiyey ganacsade Ina Aw Siciid iyo qaar kale intaas ka sii miisaan yar oo la siiyey xubno kale oo ay qaar ka mid yihiin qoyska madaxweynaha. Waa xog soo baxday oo caddaynteeda warbaahintu faafisay.

Guryaha la binaynayo ama kuwa iyaga oo dhisan la maydhaamayaa iyo dhul beereedka lagu durkayaa waa ay soo kordhayaan sidii aynu qormo hore wax kaga iftiiminnay.

Xaafadaha Hargeysa qaar waxa uu madaxweynuhu noqday cashuur-bixiyaha ugu weyn!

Sannad iyo laba bilood ayaa u buuxsamey xukuumadda Muuse Biixi oo ay dul hoganayaan daruuro madmadow oo musuq, boob, eex iyo qaraabokiil ah.

Maamul xumaantii maamullada ayaa Hargeysa ka soo ifbaxday!

Halka lagu degdegayaa, ma xeedhada salkeeda?!

Wixii hore bikh iyo in qarso saw ma noqonayaan?! Akhas!

“Nin agoon ku xaday qalin
Gooray ku qaraxdaba
Qaaxo kama fogaato!”

“Cuqubada halkii lagu galay caw ku huruddaaye
Carruurtay ka laysaa ninkii caano baas dhama!”

“In kastoo Watiiniyo Wallayn iyo Wayllun lagu meersho
Weligeedba xaaraantu way waras garowdaa!”

Miyay gacmo aan daahir ahayni nijaas kaa daahirin karaan?!

“Taaj madaxa awr loo geshaa waa tusmo habow!”

Qoraa: Maxamed Bashe Xaaji Xasan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this