Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Africa Oo ka shiraya xaaladda qaxootiga Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (SMN) – Ururka Midowga Africa oo maalinimada beri ah kulan ku yeelanaya magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya,ayaa ka hadli doona sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa kumanaan ay ku jiraan Soomaali oo qaxooti ku ah dalkaasi Itoobiya.

Mas’uuliyiin kala duwan ayaa ku sii qulqulaya magaalada Addis Ababa,si ay uga qeyb galaan shirkii 32-aad ee ay yeelanayaan madaxda Midowga Africa,kaas oo sanadkan looga hadli doono dhibaatoyinka qaxootiga ee Qaaradda Africa.

Dalka Itoobiya oo marti galinaya shirkan  ayaa magan galyo siiyay kumanaan qaxooti ah oo ka kala yimaaday dalalka South Sudan,Congo,Yemen iyo Somalia .

Guddoomiyaha ururka Midowga Africa Muuse Faki Mohamed ayaa sheegay in uu rajeenayo in qodobo mira dhal ah oo ku aadan sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa qaxootiga ku nool dalka Itoobiya ay ka soo baxi doonaan shirkaasi.

Ugu dambeyn Shirka ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan madaxda iyo wasiirada arrimaha ee dalalka Midowga Africa oo ay Soomaaliya qeyb ka ka tahay.

The post Midowga Africa Oo ka shiraya xaaladda qaxootiga Itoobiya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this