Sign in to follow this  
Deeq A.

Iska hor imaad xoogan Oo ka dhacay degmada Dharkenley

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo barqanimadii maanta ka dhacay xaafadda Kaawo Godey degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen Ciidamo Boolis ah iyo kuwa kale oo ku sugnaa xaafaddaasi.

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah ciidanka Booliska ayaa gacanta ku dhigay 2 askari oo la sheegay in ay is hor istaag ku sameeyeen Guri uu dhismo ka socday, iyadoona intaasi kadib askar kale oo ka careysan falkaasi ay la dagaalameen Booliska.

Inta la ogyahay waxaa dagaalkan ku dhintay 2 Qof oo rayid ahaa, iyadoona uu ku dhawaacmay hal askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amnniga oo ku aadan iska hor imaadkaasi.

Dhinaca kale waxaa maanta isla xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkenley ka dhacay dil uu ka dambeeyay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dilkan ayaa loo geystay wiil Timo Jaro ahaa, waxaana la sheegay in askarigu uu ka shakiyay marxuumka, kadibna uu rasaaseeyay, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in askarigii ka dambeeyay dilkaasi uu goobta isaga baxsaday.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa dhibaatooyin isugu jira dil iyo dhaawac u geysta dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

The post Iska hor imaad xoogan Oo ka dhacay degmada Dharkenley appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this