Sign in to follow this  
Deeq A.

Hargeysa: Ogan Bekar oo la kulmay Muuse Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15497210727370078.jpg?resize=474%Ogan Bekar iyo Muuse Biixi

Waxaa maanta magaalada Hargeysa gaaray Ergayga uu Turkigu u magacaabay wada-hadalada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland Ogan Bekar.

Ogan Bekar iyo xubno la socday ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxayna kada hadleen sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadaladii Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo hakad uu ku yimid labadii sano ee lasoo dhaafay.

Ogan Baker ayaa horey u ahaa safiirka Turkiga ee Soomaaliya, waxaana isaga iyo xubno la socda ay soo gaareen dhawaan Muqdisho, iyagoo kulamo la qaatay masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo kamid yahay Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad.

Dowladda Turkiga ayaa tan iyo sanadkii 2011-kii waxay si weyn dadaal ugu jirtay in Soomaaliya ay noqoto wadan cagahiisa dib isugu taaga, waana wadanka kaliya ee Yurub ka tirsan oo si dhab ah u taageera Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Hargeysa: Ogan Bekar oo la kulmay Muuse Biixi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this