Sign in to follow this  
Deeq A.

Shantii dhacdo ee ugu waa weynaa labadii sano ee uu xilka hayey FARMAAJO

Recommended Posts

Deeq A.   

Laba Sano ayaa laga joogaa Markii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

Haddaba waxaan warbixintaan idinkugu soo gudbineynaa Shantii dhacdo ee ugu waaweynaa ee dhacay intii uu Farmaajo ahaa Madaxweynaha.

  1. Xiriirka Federaalka iyo Maamul goboleedyada.

Tan iyo markii xukuumadda haatan jirta ay talada dalka la wareegtay, waxaa jiray kulamo badan oo wada shaqayn ah oo ay yeesheen dawlad goboleedyada iyo dawladda federaalka ah oo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin ammaanka iyo qaybsiga khayraadka.

Hase ahaatee dhanka kale waxaa jiray khilaaf muuqda oo soo kala dhex galay dawlad goboleedyada iyo dawladda federaalka ah, kaas oo markii dambe horseeday in maamul goboleedyadu ay sheegaan in ay xiriirka wada shaqaynta u jareen dawladda dhexe.

Khilaafka labada dhinac oo sii xoogaystay ayaa keenay in dawladda Soomaaliya faragalin toos ah ku samayso doorashada maamullada qaar, si ay madax uga dhigto masuuliyiin ayada taageersan, arrintaas oo ka hirgashay maamullada qaar.

Dhanka kale xukuumadda Soomaaliya, ayaa Xakamaysay safarraddii madaxweynayaasha dawlad goboleedyadu ay ku tagi jireen dalalka dibedda ah.

Tallaabadan ayaa dadka falanqeeya arrimaha Soomaaliya waxa ay sheegaan in ay tahay mid dawladda Soomaaliya ay ku doonayso in ay u madax banaanaato siyaasadda arrimaha dibadda, taas oo dawladdu ay sheegto in dastuur ahaan ayada uun ay go’aan ka gaari karto.

Waxay dowladdan noqotay tii ugu horreysay ee guulo siyaasadeed oo la taaban karo ka soo hoysay loollankii ay kula jirtay maammul goboleedyada, dadka wax falanqeeya qaar waxayba qabaan in markii ugu horreysay tan iyo burburkii lagu kala adkaaday siyaasadda Soomaaliya.

  1. Khilaafkii Khaliijka

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dhex dhexaad ka tahay khilaafkii soo kala dhex galay dawladaha Khaliijka Carabta, ee u dhexeeyey dawladda Qatar iyo dawladaha kale ee Sacuudigu hormuudka u yahay.

Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay dhinacna u xaglinaynay, balse ay dhammaan yihiin dawlado walaalahood ah oo ay tahay in dhammaantood ay iskaashadaan.

Go’aankaas ay xukuumaddu qaadatay ayaa la sheegaa in ay uga duwan tahay xukuumadihii ayada ka horreeyey oo ku dhiirran waayay in siyaasadooda ku aadan Khaliijka ay qeexaan.

  1. Dhiibistii Qalbi Dhagax

Gudbi Qalabka dhagaysigaCaawin Qalabka dhagaysigaWaad ka baxday Qalabka dhagaysiga, guji Enter ama Tab si aad u sii wadato.

Cabdikariin Sheekh Muuse oo ku magac dheer Qalbi Dhagax oo ah sarkaal sare oo katirsan Jabhadda ONLF ee ka hawlgasha Itoobiya ayay Xukuumadda Soomaaliya bishii Agoosto ee 2017-kii u gacan galisay Itoobiya, arrintaas oo keentay caro dadweyne iyo in dadka Soomaalida ah ay si isku mid ah uga falceliyaan dal iyo dibadba. Waxay noqotay dowladii ugu horreysay ee Soomaaliya matalaysa oo qof Soomaali ah u dhiibta ajnebi.

Ciidammada Nabad Suggida Qaranka Soomaaliya ee NISA, ayaa kala Waregay kuwa maamulka Galmudug, oo markii hore qabtay Qalbi Dhagax, ayagoo markii dambe u sii duuliyey magaalada Muqdisho, halkaas oo looga sii qaaday Itoobiya, xabsi-gurina lagu geliyay Addis Ababa.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo 18-kii November 2017-kii shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aankii xukuumadda Soomaaliya ay Itoobiya ugu gacan galisay Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax). Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wareysi gaar ah oo uu BBC-da siiyay ku taageeray go’aanka baarlamaanka uu ka qaatay arrintaasi.

  1. Iskaashiga Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya

Tan iyo markii uu talada dalka Itoobiya la wareegay Raysul wasaaraha cusub ee dalkaas, Abiy Axmed, waxaa jiray isbaddalo siyaasadeed oo ka dhacay Itoobiya iyo guud ahaan gobolka geeska Afrika.

Isbaddalladaas siyaasadeed ayaa waxaa ugu waaweynaa heshiiskii dhex maray Itoobiya iyo Eritrea iyo heshiiskii iskaashiga ahaa ee dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya.

Madaxda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiisyo, uu kamid ahaa in Itoobiya ay maalgashato afar dekedood oo Soomaaliya ay leedahay.

Dhanka kale kulamo dhowr oo dhex maray madaxda saddexdan dal ayay ku ballan qaadeen hirgalinta iskaashi ballaaran oo ay kamid yihiin arrimaha ammaanka iyo dhaqaalaha.

Itoobiya ayaa dhankeeda ballan qaaday in ay dhowrayso madax banaanida Soomaaliya, oo ay joojinayso xiriirada gaarka ah ee ay sida dhow ula leedahay Maamul goboleedyada Soomaaliya.

Wixii intaas ka dambeeyey waxaa muuqda isu soo dhawaan iyo wadashaqayn u dhexaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, ayadoo ay yaraadeen safarradii madaxda maamul goboleedyadu ay sida joogtada ugu tagi jireen Addi Ababa.

Waana markii ugu horreysay oo ay Itoobiya si toos ah u taageerto dowladda federaalka Soomaaliya, horey waxay xiriir midabyo badan la lahaayeen dhinacyada isku hayay Soomaaliya. Dadka siyaasadda Soomaaliya indha-indheeyana waxay sheegayaan in madaxdii maammul goboleedyada ay agoomo siyaasadeed noqdeen tan iyo markii ay is fahmeen Soomaaliya iyo Itoobiya.

  1. Eryiddii Nicholas Haysom

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dalka ka eriday 2-dii Janaayo 219 ergaygii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya Nicholas Haysom, ayadoo ku eedaysay in uu faragalin qaawan ku hayo madax banaanida Soomaaliya.

Go’aankan ayay dad badan ku tilmaameen mid dhiirran, marka la eego dowrka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, oo xilligii dowladihii hore, qeyb weyn ka ahaa go’aannada siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya.

Mr Haysom ayaa eryidiisii wax yar uun ka hor waxa uu war qoraal ah oo xafiiskiisa kasoo baxay kaga hadlay Doorashadii ka dhacday Maamul goboleedka Koonfur Galbeed iyo xariggii Sheekh Mukhtaar Roobow oo kamid ahaa Murashaxiinta u taagnaa hoggaanka maamulkaas.

Nicholas Haysom ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dawladda federaalka ah ay faragalin toos ah ku hayso doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayna masuul ka tahay rabshadihii dadka badani ay ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Baydhabo, arrintaas oo dawladda Soomaaliya ay qoonsatay.

Si kastaba ha ahaatee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres ayaa oggolaatay in ergay cusub loo soo magacaabo Soomaaliya oo baddali doona Nicholas Haysom.

Tallaabadan ayaa ahayd mid ugub ah ayadoo xukuumadihii tan haatan jirta ka horreeyey aanay ku dhiirran tallaabo caynkaan ah iyo in diblumaasi heer kaas jooga dalka laga eryo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this