Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka Carabta oo hadal kulul kasoo saartay dilkii Paul Anthony

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimadda Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay si kulul u cambaaraynayaan weerarkii isbuucii hore lagu dilay Paul Anthony Formosa oo ahaa Maareyihii shirkadda P&O ee dekada Boosaso  ee Maamul-gobaleedka Puntland.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo  Iskaashiga Caalamiga ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay inay la xiriireen Hay’adda P & O Ports ee hoostagta Shirkadda DP World, una gudbiyeen Tacsida geeridii Paul Anthony Formosa oo u dhashay dalka Malta.

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in ay si dhow ula socdaan baaritaanada haatan socda ee loogu dabagalayo  qaabkii uu u dhacay dilkaasi.

Dowladda Imaaraadka waxay ugu baaqday Maamul-gobaleedka Puntland inay  muhiimad gaar ah siiyaan badbaadada Shaqaalaha ka hawl-gala Dekedda Bosaaso, si ay maalgashiga Dekedaasi uga faa’ideystaan Ummadda Soomaaliyeed, waa sida hadalka loo dhigay.

Hadal-qoraalka ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo  Iskaashiga Caalamiga ee dalka Imaaraadka Carabta waxaa kaloo lagu muujiyey inay Imaaraadka ka soo horjeedaan dhamaan noocyadda falalka colaadeed, iyado odhanka kalena lagu xusay baahida loo qabo inay Beesha Caalamka u midoobaan  La-dagaalanka waxa ay ugu yeereen Cabsida Xag-jirka ee khatarta ku ah Ammaanka iyo Deganaandhaha dhamaan Dalalka Caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this