Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku dhawaad 10 ka tirsanaa Al Shabaab Oo lagu dilay J/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howgal qorsheysan iyo duqeyn saacadihii la soo dhaafay laga fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Howlgalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa si wadajir ah Ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland ay uga fuliyeen deegaanada Buula Xaaji iyo Buundada Araare ee gobolkaasi.

Sidoo kale waxaa deegaanadan ka dhacay duqeyn dhinaca cirka ah oo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al Shabaab.

Saraakiil ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa sheegay in howlgalka iyo duqeynta lala bartilmaameedsaday goob ay isku aruursanayeen dagaalyahannada Al Shabaab, islamarkaana lagu illaa 6 ka tirsanaa Al Shabaab, sida ay hadalka u dhigeen.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka Xarakada Al Shabaab oo ku aadan weerarkaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM aya howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka waday gobollada Jubbooyinka ee maamulka Jubbaland.

The post Ku dhawaad 10 ka tirsanaa Al Shabaab Oo lagu dilay J/Hoose appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this