Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Booliska Soomaaliyeed Oo u digay askarta dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Genaraal C/laahi Xasan Bariise oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa uga digay askarta ku sugan baraha koontarool ee magaalada Muqdisho iyo hoggaankooda in la waxyeeleeyo dadka rayidka ah, maadaama ay isa soo tarayaan dilalka loo geysanayo dadka shacabka ah.

Genaraal Bariise ayaa sheegay in dambi Qaran ay tahay in si micno darro ah loo laayo shacabka, waxaana uu hoosta ka xariiqay in la’iskula xisaabtami doono dambiyadaasi.

Dhanka kale shacabka ayuu ka codsaday in ay la shaqeeyaan ciidanka amniga, gaar ahaan wadayaasha Mooto Bajaajta oo uu ka dalbaday in ay u hoggaansamaan amarka askarta.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay dilal ay askartu u geysanayeen dhalinyarada kaxeysa mootadanuuac loo yaqaano Bajaajta.

The post Taliska Booliska Soomaaliyeed Oo u digay askarta dowladda appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this