Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulanka guddiga joogtada Baarlamaanka HirShabelle Oo baaqday

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (SMN) – Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta uu baaqday kulan ay guddiga joogtada baarlamaanka maamulka HirShabelle ku lahaayeen gudaha magaaladaasi.

Kulankan ayaa la sheegay in uu u baaqday sababo la xariira ciidamo dhawaan la geeyay xarunta baarlamaanka, kuwaas oo hakad galiyay dhaq dhaqaaqii xaruntaasi.

Xildhibaano ka tirsan HirShabelle oo ay la xariirtay Shabelle ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan arrintaasi, balse waxa ay walaac ka muujiyeen xaaladda maamulkaasi.

Xiisado siyaasadeed oo ka dhashay Mushaar la’aan soo wajahday Xildhibaanada HirShabelle ayaa maalmahan ka taagneyd M/ Jowhar ee xarunta maamulkaasi.

The post Kulanka guddiga joogtada Baarlamaanka HirShabelle Oo baaqday appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this