Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad rayid ahaa Oo laga Afduubtay magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (SMN) – Illaa labo ruux oo rayid ahaa ayaa lagu soo warramayaa in maanta laga Afduubtay bartamaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta G/ Mudug.

Labadaasi qof oo ka mid ahaa dadka deegaanka ayaa la sheegayin kooxo hubeysan ay Afduubteen, una kaxeysteen dhinaca waqooyi ee magaaladaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ragga watay dadkaasi dhawaan laga soo Afduubtay qof ay ehel ahaayeen oo la sheegay in lagu hayo K/ Gaalkacyo.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal oo ah ka soo baxay dhanka maamullada Puntland iyo Galmudug oo ku aadan arrintaasi.

Xaaladda Gaalkacyo ayaa maalmihii dambe mid xasiloon, iyadoona ciidamo isku dhaf ah oo loo sameeyay magaaladaasi.

The post Dad rayid ahaa Oo laga Afduubtay magaalada Gaalkacyo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this