Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo ansixiyay tala-bixin ku saabsan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha wakiilada dowladda Puntland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay, tala soo jeedin ku saabsan, hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, kadib markii Baarlamanku ay warbixin ka dhegaysteen guddiga doorashooyinka ku meel-gaadhka ah ee Puntland (TPEC).

Guddi xildhibaanno ah oo u kuur-galay, sababaha ay Puntland uga qabsoomi weyday doorasho qof iyo cod ah ayaa kadib markii ay warbixin ka dhegaysteen (TPEC), waxay soo jeediyeen, in guddiga doorashooyinka ku meel-gaadhka ah ee Puntland ay sii wadaan shaqada, islamarkaana xukuumaddu ka taageerto, dhaqaalihii ay ku qaban lahaayeen doorashada golayaasha degaanka.

Sidoo kale xildhibaannada ayaa soo jeediyay, in xukuumadda Puntland ay la timaaddo qorshe cad oo dalka looga hirgelinayo, doorasho qof iyo cod ah, maadaama deeq-bixiyaashii taageeri jiray barnaamijkan ay dhaqaalihii ka jarteen kadib markii ay dhinaca xukuumadda ka waayeen qorshe cad oo ay ka leedahay nidaamkan.

Golaha wakiilada dowladda Puntand ayaa dood dheer kadib, waxay cod gacan-taag ah ku ansixiyeen tala-soo jeedinta guddiga gaadhka ah ee xildhibaannada Baarlamanku ay ka soo saareen, hir-gelinta nidaamka axsaabta badan iyo shaqada guddiga doorashooyinka ku meel-gaadhka ah ee (TPEC).

Kulanka oo ay fadhiyeen 48 mudane ayaa waxaa tala-soo jeedinta aqbalay 43 xubnood, 2 xildhibaan ayaa diiday halka 3 kalena ay ka aamustay, waxaana sidaasi ku ansaxay tala-soojeedintii guddiga gaadhka ah ee xildhibaannada Baarlamanku u saareen hir-gelinta nidaanka axsaabta badan.

Halkaan ka akhriso tala-soojeedinta

IMG_20190209_120312_270.jpg?resize=715%2

IMG_20190209_120234_282.jpg?resize=715%2IMG_20190209_120341_328.jpg?resize=715%2IMG_20190209_120424_975.jpg?resize=659%2

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo ansixiyay tala-bixin ku saabsan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this