Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada ragga ah ee barlamanka Tanzania oo la gudayo (Sheeko xiiso leh)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekadan xiisaha badan ayaa aad looga hadal hayaa dalka Tanzania, kadib markii la shaaciyay in la gudayo xildhibaanada Ragga ah ee kamid ah baarlamaanka dalka Tanzania.

Ujeedada ka dambeysay in la gudo xildhibaanada ragga ah ee baarlamaanka Tanzania ayaa waxaa la sheegay inay tahay in laga hortago faafida cudurka HIV AIDS, sida lagu sheegay hadal jeedin ay sameysay xildhibaanad ka tirsan baarlamaanka.

Aragtidan waxaa soo jeedisay Jackline Ngonyani oo ah haweeney ka tirsan baarlamaanka Tanzania, waxaana soo jeedinteeda ku kala qeyb samay xildhibaanada Ragga ahaa ee ka tirsan baarlamaanka Tanzania.

Xanuunka AIDS-ka ayaa ah cudur dhibaato badan ku haya shacabka ku nool dalka Tanzania waxaana la sheegayaa in 5% dadka dalkaasi uu asiibo xanuunka, sida lagu cadeeyay daraasad dhawaan lasoo saaray.

Xildhibaan  Joseph Selasini oo ka mid ah Ragga ku jira Baarlamaanka Tanzania ayaa taageeray soo jeedinta Xildhibaannada laakiin waxaa diiday Xildhibaan Joseph Kasheku oo ku tilmaamay soo jeedintan mid Ragga xadgudub ku ah.

Ugu dambeyntii 70% Ragga Tanzania ayaa mara Gudniinka, waxaana wali taagan walaaca laga qabo faafidda Cudurka HIV-ga, taasi oo keentay in qorshahaan baarlamaanka la dhex keeno.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this