Sign in to follow this  
Deeq A.

Qorshihii Axmed Madoobe oo hir-galay: Odayaasha Gaarisa oo go’aan gaaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaarisa (Caasimada Online) – Odayaasha Magaalada Gaarisa ee Dalka Kenya ayaa caddeeyey mowqifkooda doorashada Jubaland, waxayna ku baaqeen dib u doorashada Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam.

Waxgaradka oo shalay ku kulmay Hotel ku yaalla Magaalada Gaarisa ayaa sheegay in Axmed Madoobe iyo Maamulka Jubaland ay ka shaqeeyeen amaanka sohdinta u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa ay soo jeediyeen in sidoo kale dib u doorashada Axmed madoobe ay horseedi karto in degaannada Maamulka Jubaland uu noqdo degaan amaan ah.

Axmed Madoobe ayaa dhowr bilood ka hor tagay Magaalada Gaarisa si Odayaasha ku heybta ah uga shaqeeyaan dib u doorashadiisa, waxaana hadda muquda in qorshihiisa uu u hir-galay.

Doorashada Jubaland waxaa ay lagu wadaa in la qabto Bisha August ee sanadkan 2019,waxaana uu Axmed Madoobe sheegayaa culeys dhinaca siyaasadda ah  oo ka heysta dhinaca dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa waxaa uu ku suganyahay Magaalada Gaarisa.

Safarka Omaar oo uu isagu ku sheegay in shaqsiyadeed iyo booqashada qoyskiisa ayey dadka qaar sheegeen in uu qeyb ka yahay ololaha dowladda Federaalka ah uga hortageyso soo laabashada Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this