Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Saacadaha Soo Socda Ku Dhawaaqaya Golihiisa Wasiirrada

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe)-Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Saciid Cabdillaahi Deni ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirrada, iyadoo ay bil ay ka soo wareegatay markii xilka Madaxweynaha loo doortay.

deni-696x562-1.jpg

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Garowe ayaa sheegaya in Madxweyne Saciid Deni uu soo gabagabeeyay wada tashadii uu ku soo magacaabayay Golaha Wasiirada.

Wararka ayaa sheegaya inay u badan tahay in Madaxweyne Deni uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada caawa illaa berri, iyadoo laga hadal haayo magaalada Garowe inuu soo magacaabi doono Golle Wasiiro oo kooban.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this