Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Xildhibaan Sheegay In La Xalliyay Tabashooyinkii Xildhibaannada Hirshabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan C/rashiid C/xakiin Warsame oo ka mid ah mudanayaasha baaramaanka maamulka Hirshabelle ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog wuxuu ku sheegay in la xalliyey tabashooyinkii ay inta badan qabeen mudanayaasha baarlamaanka ee maamulkaasi.

Waxa uu sheegay in waxyaabaha wax lagu xalliyey ay ka mid tahay wasiiradii dhowaan uu dib usoo magacaabay madaxweyne Waare oo xildhibaanno wada ah badankooda.

Xildhibaan Warsame ayaa sheegay in hadda wixii is faham la’aan ah laga sii gudbayo, madaxda Hirshabellana ay aqbaleen in lala hadlo oo laga wada shaqeeyo horumarka.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/XILDHIBAAN-HIRSHABEELLE-.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this