Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah Faahin: Duqeyn Diyaaradeed Oo Ka Dhacday Jubbada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacay deegaanka Araare ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay ku sugnaayeen xubno ka mid ah Xarakada Al-shabaab.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka diyaaradahan ayaa joog hoose ku socday, waxaana ay dhowr gantaal ku dhufteen goob la sheegay iney ku sugnaayeen xubno Al-shabaab ah, balse lama oga khasaaraha halkaasi ka dhashay inta uu la egyahay.

Xubno ka mid ah saraakiisha ciidanka Jubbaland ayaa sheegay in duqeyntaasi waxyeello xooggan loogu geystay Al-shabaab, walibana halkaasi ay ahayd goob ay isku uruursanayeen.

Diyaaradaha duqeytan fuliyey lama shaacin dalka laga leeyahay hase ahaatee diyaaradaha Maraykanka ayaa sidan oo kale u fuliya howlgalladan duqeynta ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this