Deeq A. Posted February 9, 2019 New York (SMN) – War saxaafadeed ka soo baxay taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymo dhinaca cirka ah ay ku dileen 15 ka tirsanaa Al Shabaab. AFRICOM ayaa xustay in duqeymahani oo ahaa 2 ay Arbacadii ka fuliyeen meel u dhow deegaanada Gandarshe iyo Bariire oo ka wada tirsan gobolka Sh/ Hoose . Warbixintani ayaa sidoo kale lagu sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo dadka Rayidka ah ka soo gaaray duqeymahaasi. Horraantii bishani Mareykanka ayaa sidan oo kale shaacisay in 13 ka tirsanaa Al Shabaab ay ku diliyeen agagaarka deegaanka Gandarshe ee gobolkaasi. Ma jirto illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan duqeymahaasi. Ciidamada Mareykanka oo gacan siinaya ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa inta badan duqeymo cirka ah kageysta koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Mareykanka Oo duqeyn ku dilay 15 ka tirsanaa Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites