Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka Oo war ka soo saaray dilkii Paul Fermosa

Recommended Posts

Deeq A.   

Dubai ( SMN) – Dowladda isug taga Imaaraadka Carabta ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dilkii dhawaan Boosaaso loo geystay Paul Anthony Fermosa oo ahaa madaxii shirkadda DP World ee dekedda magaaladaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi Sh Cabadalla Bin Zayid Al Nahyaanayaa si xoogan u cambaareeyay dilka ninkaasi, isagoona xusay in dowladdisu ay aad uga xuntahay.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Puntland in ay ilaaliso ammaanka shaqaalaha shirkadda DP World ee ku sugan deegaanada maamulkaasi.

Afartii bishan ayey aheyd markii Al Shabaab Paul Anthony Fermosa ay ku dileen agagaarka dekedda Boosaaso, kaas oo dhalasho ahaan ka soo jeeday dalka Malta.

The post Imaaraadka Oo war ka soo saaray dilkii Paul Fermosa appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this