Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahdi Guuleed oo hadal ku soo laaban kara Dowladda Soomaaliya ka sheegay London

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa magaalada London kula hadlay boqolaal dadweyne ah, isaga oo kala hadlayay waxqabadka dowladda Soomaaliya.

Mahdi Guuleed ayaa ka sheekeeyay waxyaabo badan oo dowladda Soomaaliya u qabsoomay, waxaana uu soo hadal qaaday hindise sharciyeedyadii dowladda xukuumadda ay meel marisay.

Guuleed ayaa sheegay in 27 hindise Sharciyeed ay meel mariyeen golaha wasiirada labadii sano ee lasoo dhaafay, waxaana uu xusay in madaxweynaha uu saxiixay labo hindise Sharciyeed oo kaliya.

Labada Hindise Sharciyadeed ee madaxweynaha uu ansixiyay ayaa waxay kala yihiin midka Isgaarsiinta dalka iyo midka Naafadda, waxaana kadib su’aalo laga keenay halka ay  mareen Hindise shaciyeedyada kale.

Waxaa sidoo kale su’aalo laga keenay sababta ilaa iyo hadda madaxweynaha Soomaaliya u saxiixi la’yahay Sharcigii dalka ka mamnuucayay Shirkadda DP World oo baarlamaanka labada aqal ay ansixiyeen.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in labada sano ee dowladda Soomaaliya u harsan ay rajo weyn ka qabaan inay wax ka qabtaan shaqooyin ay ugu horeeyaan Dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this