Sign in to follow this  
Deeq A.

Amnesty oo Imaaraatka Carabta ku eedeeysay inay hubeeyeen maleeshiyaad ku sugan……

Recommended Posts

Deeq A.   
yemenUAE.jpeg?resize=690%2C460

Imaaraatka Carabta ayaa lagu eedeeyay inuu hub siinayo maleeshiyaadka ka dagaallama dalka Yemen, hubkan waxaa Imaaraataka markii hore siiyay Mareykanka, sida ay sheegtay ha’yadda Amnesty International.

Sida ku xusan warbixinta ha’yadda, gawaadhida tikinikada ah, madaaficda iyo hub kale ayaa loo weeciyay kooxo aan lala xisbaatamin oo lagu eedeeyay inay dalkaa ka geysteen dambiyo dagaal.

Imaaraatka Carabta ayaa ka qeyb ah xulufada uu Sucuudiga hoggaaminayo ee dagaalka kula jiro maleeshiyaadka Xuuthiiyiinta ee dalka Yemen.

Imaaraatka kama uusan hadlin eedeymaha loo soo jeediyay balse waxaa uu beeniyay inuu jebiyay xeerka hubka uu ka soo dhoofsado Mareykanka.

Dhawaan, sarkaal sare oo Amerikaan ah ayaa sheegay inay baadhayaan in hubka la guddoonsiiyay maleeshiyaad iyo in kale.

Ugu yaraan 68,000 qof ayaa ku dhimatay dagaallada ka socda Yemen halka 10,700 qof ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this