Sign in to follow this  
Deeq A.

“Masuuliyiinta beenta u sheegay dadweynaha waa laga daba tagay beentoodii” (Dhageyso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada online)-Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geeddi ayaa si adag kaga hadlay dhaliilaha loo jeediyay shirkii Shidaalka London ee maalmihii ugu dambeeyay aad loo hadal hayay.

Wuxuu ugu horeyn sheegay in arrimaha shidaalka Soomaaliya iyo baaritaanada lagu sameynayo inaysan mar dhow soo bilaaban, oo xitaa dowladii uu Ra’iisul wasaaraha ka ahaa wax ka ogeyd.

Sidoo kale Cali Geedi ayaa sheegay in dowladdii Xasan Sheikh Maxamuud ay wax badan oo weyn ay ka qabatay sahminta Shidaalka Soomaaliya, islamarkaana shirkii London uusan aheyn Xaraash Shidaalka lagu sameynayo.

“In arinta shidaalka in la siyaasideeyo waan ka xumahay, waxaana is leeyahay dadka banaanbaxa dhigayay xog fiican ma hayaan, haddii ay xogta aanhayo oo kale ay heli lahaayeen, banaanbaxaa ma dhaceen, xaq ayayna u lahaayeen inay ogaadaan intii si qaldan wax loogu sheegi lahaa”.

“Waxaa la Xaraashaa waxaan micno laheyn, waxaan ka xumahay masuuliyiin taqaana xogta Shidaalkeena oo waliba dowladii Farmaajo ka horeeyay kana soo shaqeeyay shidaalkaan iyo arimihii inay siyaasadeeyaan Shirkii London”

“Masuuliyiinta Siyaasiyiinta ah way kasoo horjeesan karaan dowladda Farmaajo ee ma ahan inay siyaasadooda ku dabaqaan waxaan jirin, waana laga taba tagayaa oo Soomaalida waxay tiraahdaa Beeni Raad Ma leh”

“Waxa London ka dhacayna Xaraash maaha ee waa Bandhig Daraasad muddo la sameynayay ku saabsan, waxaana ku xiga in sharciga Shidaalka ee yaala baarlamaanka la ansixiyo kadibna la gudo galo howlaha”ayuu yiri Cali Geedi.

Hoos ka dhageyso codka Cali Geedi

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/Pro-Cali-Maxamed-Geedi-Raiisul-Wasaarihii-hore-ee-Soomaaliya-ayaa-u-jawaabay.mp3

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this