Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka London Ee Shidaalku Waa Riwaayad Shirkadaha Ajnabi Loo Dhigayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka London Ee Shidaalku Waa Riwaayad Shirkadaha Ajnabi Loo Dhigayo

Maalmahan dambe waxaa London ku shireyey shirkado ay isugu soo yeedhay, Shirkadda la yidhaahdo Schlumberger oo laga leeyahay dalka Fransiiska.

Shirkaa London lagu qabanayo waxaa nacam lagu xaraashayaa dhulka Geeska Afrika ee macdanta shidaalka batroolka iyo gaaska. Waxaa isagu imanaya abkay dilaal oo dhan.

Shirkadaha laga xaraashayo dhulkan badaan ma oga in dadka ka socda maamulka taagtadaran ee Muqdisho lagu ilaaliyo in aanu awood iyo tamar u laheyn inuu balanqaadka qandaraasyada ay isleeyehiin fuliya. Dhulkan ay lacagta kaga gurinayaan shirkadahan ajnabi ma maamulaan, ma gaadhi karaa, looma ogala in ay cag soo saaraan, ma difaaci karaan. Markaa waxaa laga iibinayaa waraaq madhan. Waa “Scam”.

Waxaa la odhan jiray dalka Nijeeriya ayaa laga soo bilaabaa “international scam”, tuugnimadda caalamaga. Reer Nijeeriya xaal ha qaataan, oo raali ha noqdaa, Muqdishaa bikh ka dhigtay.

Lugooyadan lagu sameynayo shirkadahan ajnabi ee lacagta laga fur-furanayo, iyo heshiisiyo bilaa micna ahi, waa arrin cajiib ah.

Shirkadan Schlumberger waxay badaan ka xoogsataa wadamaddii hore uga tirsanaa dalkii la odhan jiray Midowga Soofiyeeti, sida Azerbaijan,Turkminstan, Uzbekistan, Krgysztan, Tajikstan, iyo kuwa kale. Waa meelo halis ah, lakiinse, mid bay Muqdisho ku dhaamaan. Wadamaddaasu dhulkay xaraashaan iyagaa maamula!

Waxaa immika la sheegay in shirkaddo Shiine ah lagu siiyey qandaraas dhaamaan kalluumaysiga badaha dalkii la odhan jiray , Somali Republic, oo namac xitaa Somaliland ku jirto. Waar nimanyahow riwaayadaas oo kale ma aragteen?

Marka hore, Somaliland waxay leedahay Ciidanka Badda oo eryaya wixii aan fasax ka haysayn Hargeysa, lakiinse maamul gobolleedka Soomaaliya ku jira, sidii caadiga u ahayd uun bay budhcad baddeedkii la soo bixi.

Maxaa Shiinaha sidaa loogu lugoonayaa? Shiinuhu waa dad waligood wixii la odhan jiray Somali Republic caawin jiray. Ilaa iyo maanta Somaliland iyo Soomaaliya way caawiyaan. Meelna weligood inoogamay dhicin. Bad iyo xeebo aanad shuqul ku lahayn, awoodi iyo tamar aad ku maamushid aanad hayn, maxaad waddamo kale ugu saxeexasaa? Waa tuugnimmo iyo axmaqnimmo. Waa taagdaro iyo talo xumo. Waa nacasimmo iyo dulmi.

Haddaba Shirkan London suudhadhka cusub loo soo xidhay, ee shirkadahan riwaayada iyo beenta loo dhisayo, waa wax wakhtigan dambe Muqdisho laga dhigay baa’yacmushtar caadi ah. Dad baa takhsuus ku gaadhay ilaa iyo Ph.d.

Xagan Waqooyiga Mareykanka waxaa jira riwaayad iyo film la yidhaahdo, “Glengarry Glen Ross”. Wuxuu ka sheekaynayaan niman xafiis fadhiya oo telefoon u diray dad u badan kuwa da’ ah. Waxay nimankaasu iibinayaa dhul lama dagaan ah u ku yaal Florida iyo Arizona. Sheeko macaan iyo hadal macaan bay lacagta kaga qaadayaan dadkaa. Waa sheekada Muqdisho ka socota. Cajiib.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this