Deeq A. Posted February 8, 2019 Ilo’ xog-ogaal ah ayaa xaqiijinaya, in liiska golaha wasiirada cusub ee dowladda Puntland lagu dhawaaqi doono, Axadda oo ku beegan 10 bishaan Febraayo 2019. Warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe, ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu soo dhisay xukuumad kooban, kadib la tashiyo badan oo uu la sameeyay dhinacyada ay khusayso, islamarkaana uu ku dhawaaqi doono 10-ka bishan ee ku beegan Axad. Madaxweynaha ayaa hore golaha wakiilada u weydiistay, mudda kordhin 14 cisho ah, si uu u soo magacaabo xukuumaddiisa cusub, waxaana wakhtigii loogu daray haatan ka harsan 3 maalmood oo keliyah. Xog sii badan lagama hayo, xukuumadda cusub ee uu magacaabayo mudane Deni, sida tirada wasiiirada, wasiiro-ku xigeennada iyo wasiiro-dowlayaasha. Hase yeeshee waxaa la xaqiijiyay in xukuumadda cusub ay koobantahay, marka loo eego xukuumaddii ka horraysay ee madaxweyne Cabdiweli Gaas. PUNTLAND POST The post Puntland: Goorma lagu dhawaaqaya wasiirada cusub appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites