Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari loo haysto dhacdadii khamiista oo Muqdisho aad looga baadi-goobayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo Siyaasada degmada Yaaqshid, ayaa ka hadlay askari katirsan maamulka degmada oo Khamiistii dil u geystay Wiil Mooto Bajaajle ahaa.

Waxa uu sheegay inuu gacanta laamaha amaanka uu ka baxsaday Askariga dilka geystay, balse ay gacanta ku soo dhigeen Askari kale oo uu sheegay inuu fakiyay danbiilaha, Qorigii uu dilka ku geystay ayuu sidoo kale sheegay in gacanta lagu hayo.

Gudoomiye C/Fitaax, ayaa sheegay in laamaha amaanka ay wadaan baaritaano la xiriirta sidii loo soo qaban lahaa, iyadoo Kiiskan uu soo farageliyay Taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir.

Askariga la soo qabtay oo ka tirsan Ciidanka Gaashaan, ayaa lagu hayaa Saldhiga Booliska ee degmada Yaaqshid, iyadoo maanta la filayo in loo gudbiyo xarunta baarista danbiyada ee C.I.D, si halkaasi baaritaano loogu sameeyo.

Ciidamada amaanka, ayaa todobaadkan kaliya dad ku dhow 6 ruux ku toogtay Caasimada, kuwaasoo askartii geysatay badankood ay baxsadeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this