Sign in to follow this  
Deeq A.

FARMAAJO oo shaaciyey saraakiil hab siyaasadeed lagu dalacsiiyay + Cod

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay hanaanka loo maro dalacsiinta saraakiisha Ciidamada oo mararka qaar dhaliilo waaweyn laga keeno.

Farmaajo waxa uu sheegay inay horay u jirtay in xilliyada qaar xildhibaano ka faa’iideysanaya xaalada adag ee siyaasadeed ee markaas taagan in ay keensadaan askarta iyo saraakiisha ay rabaan in darajooyin loo xiro, si ay culeska siyaasadeed u yareeyaan.

Waxa uu intaasi raaciyay in mararka qaar la arkayo nin shalay ahaa xidigle, isla markaana leh xildhibaan firfircoon uu maanta yahay sarkaal weyn oo la dalacsiiyay.

Waxa uu soo hadal qaaday in saraakiisha iyo ciidamada aysan kala amar qaadan mararka qaarkood, taasina ay ku dhacdo in saraakiisha sifo sharci darro ah looga sare mariyo askartooda, taasina ay keento in sarakiishu aysan amarada qaadan.

Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa ay taasi ka gudubtay, isla markaana albaabada laga xirtay siyaasiyiinta iyo xildhibaanada doonaya inay fursada siyaasadeed uga faa’iideystaan in askar ay wataan loo dalacsiiyo.

Hoos ka dhageyso codka madaxweynaha Soomaaliya

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/02/cod-farmaajo.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this