Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkii Lagaga Hadlaayay Shidaalka Soomaliya Ee London Iyo Duruufihii Ku Xeerna +SAWIRRO

Recommended Posts

Deeq A.   



(SLT-London)Magaalada London ee dalka Britain waxaa shalay ka furmay shir looga hadlayo arrimaha shidaalka Soomaaliya oo ay ka qeyb galayaan Shirkadda Spectrum ee dalka Norway laga leeyahay oo sahan ku sameysay shidaalka Soomaaliya iyo shirkado kale oo ay casuuntay iyo dowladda Soomaaliya.

8592FEFA-933D-4238-AB60-1B4D619F60F0.jpe 3BBA0796-5186-482F-A0F3-9F33DA6C8D14.jpe F0E32B37-7C05-484E-9292-DF149D64ACA4.jpe 41341194-CCB6-43F9-A6FF-D1FF927316CD.jpe 2D7C1B8E-659A-4CF4-AEB3-55124BE2CD29.jpe EA60AF11-12E1-40AC-B6E3-6EB0B101333C.jpe 3ED905A5-45CD-4ADE-BD55-2D2C30365B51.jpe

Shirkan oo muddooyinkii u dambeeyay si weyn loo hadal hayay ayaa isla shalaba la soo gebagebeeyey, waxaana ka hadlay masuuliyiin ka tirsan Xukuumada federaalka Somalia iyo shirkadda Spectrum.

Wasiirka batroolka Somalia oo shirkaas ka hadlay ayaa sheegay in la soo bandhigay xog ururin sahan lagu sameeyey shidaalka ku jira Somalia, wuxuuna xusay in shirkan uu faa’iido badan u leeyahay shacabka Soomaaliyeed.

Intii uu shirkan socday waxaa lagu soo bandhigay natiijada ka soo baxday sahan dhinaca shidaalka ah oo lagu sameeyey Somalia, waxaana lagu cadeeyey in xeebaha dalka laga helay batrool badan sidaka muuqata qoraalada iyo jaantusyada ku jira sawirada hoose oo muujinaya natiijada sahanka la sameeyey.

Ka qeyb galayaasha shirkan oo ay ku jireen Soomaali ka kala socotay qeybaha bulshada ayaa sheegay inaan lagu soo hadal qaadin shirka xaraash ama arrimo la xiriira shirkado qandaraas lagu siiyey iney soo saaraan shidaalka Somalia.

Soomaali fara badan oo qurbajoog ah ayaa dibed bax looga soo horjeedo shirkan ka dhigay ka soo horjeedka goobta shirka lagu qabanayey, iyagoo ku qeylinayey ereyo ay ku sheegayaan in shirkaas lagu boobayo kheyraadka Somalia.

Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed ayaa horey walaac uga muujiyey shirkan, iyagoo ku tilmaamay mid lagu beylahsanayo Shidaalka Soomaaliya, maadaama aaney jirin sharciyo iyo xeerarka Batroolka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this