Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaaraha Dalkaasi Soomaliya Oo Kulan La Qaatay Madaxda Garsoorka.

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Muqdisho)Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Dalkaasi Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo xalay Muqdisho kulan kula qaatay madaxda garsoorka dalka, kadib markii shalay ay magaalada muqdisho ku soo gaba gabeeyeen shir sanadeedka garsoorka dalka oo labo maalin ka socday Muqdisho.

AE6EAE63-AD8D-49E8-B84F-5D3724C15E9F.jpe

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa madaxda garsoorka dalka ku ammaanay shir sannadeedka ay qabteen, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay joogteeyaan kulamada ay uga tashanayaan horumainta iyo hagaajinta hannaanka gasoorka dalka.

Waxaa uuna sheegay R/Waasaraha Xukuumadda Soomaaliya in si cadaalad ah loogu shaqeeya Shacabka Soomaaliyeed.

Shalay ayay aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka qayb galay xiritaanka Shir Sanadeedka Garsoorka Soomaaliya oo maalin ka hor ka furmay magaalada Muqdisho.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this