Sign in to follow this  
Deeq A.

Dabley dil ka geystay degmada Dharkeenleey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) –  Fahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya dil maanta ka dhacay xaafada Kaawa-Godey ee degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay idaacada Shabelle in dilka oo loo geystay nin magaciisa lagu sheegay Cabdi Salaad ay ka dambeeyeen rag ku hubeysan Bastoolado.

Wararka ayaa intaas ku daraya in marxuumka la dilay uu kamid ahaa ragga baabuurta rara ee loo yaqaano “Kaariga” xili ay goobta isaga baxsadeen kooxihii ka dambeeyay.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaan oo uusan wali ka hadlin maamulka ugu sareeya degmada Dharkenley.

Maalmihii u dambeeyay falal noocaan ah ayaa ka dhacayay magaalada Muqdisho, inkasta oo laamaha amaanka ay ku howlan yihiin sidii ay u xaqiijin lahaayeen nabad-gelyadda.

The post Dabley dil ka geystay degmada Dharkeenleey appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this