Deeq A. Posted February 8, 2019 Galkacayo (SMN) – Kulankaan oo ahaa mid looga hadlayey amaanka guud ee degmada Galkacayo ayaa waxa uu saacadihii lasoo dhaafay uu ka qabsoomay xarunta gobolka Mudug. Mas’uuliyiin uu kamid yahay Madaxwaynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo hogaanka laamaha amaanka maamulkaas ayaa ka qaybgalay kulanka. Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug oo shirka kadib u waramay warbaahinta ayaa fahfaahin ka bixiyay qodobada laysla afgartay. Waxa oo uu sheegay in kulanka ay qayb ka ahaayeen xubno metalayey bulshada rayidka iyo ganacsatada degaanadaasi. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in nabad-gelyada magaalada Galkacayo ay haatan tahay mid laysku haleyn karo. Madaxwaynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf oo mudooyinkii dambe ku sugnaa Galkacayo ayaa kulamo gaar-gaar ah la lahaa qaybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiinta gobolka Mudug. The post Xaaf oo ka qaybgalay kulan looga hadlay amniga Galkacayo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites