Sign in to follow this  
Deeq A.

RA’IISUL WASAARE KHAYRE: Waxaa naga go’an in dalka aan gaarsiino doorasho qof iyo cod ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Khayre_Bulshada_Soomaaliyeed.jpg?resize=Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia, Xasan Cali Khayre oo casho sharaf Muqdisho ugu sameeyay madaxda Garsoorka Dalka, ayaa sheegay in hagaajinta dhaqaalaha dalka, yareynta musuq-maasuqa, horumarinta dawlad-wanaagga, hirgelinta siyaasad lagu wada qanacsan yahay iyo aaminaadda caalamka ay ku xiran yihiin hir-gelinta garsoor iyo cadaalad loo simanyahay oo dadka Soomaaliyeed ay iimaanka ku qabaan.

Kulanka cashada ah oo ay kasoo qaybgaleen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Xeer-ilaaliyaha Qaranka, Garsoorka gobalka Banaadir iyo Dowlad-gobaleedyada ayaa muhiimaddiisu ahayd dhiirri gelinta dardar-gelinta qorshaha hagaajinta garsoorka dalka.

Sidoo kale, Khayre ayaa Madaxda Garsoorka ku ammaanay shir sanadeedka ay qabteen, wuxuuna ku dhiirri-geliyay inay joogteeyaan Kulammada ay uga tashanayaan horumainta iyo hagaajinta hannaanka gasoorka dalka.

Dhanka kale, RW Xukuumadda Federaalka ah ayaa sheegay in qof walba, ha ahaado; Oday-dhaqameed, aqoonyahan, siyaasi iyo culummo looga baahan yahay inay ka shaqeeyaa nabadda dalka, isagoo ballan-qaaday inay dalka gaarsiin doonaan doorasho qof iyo cod ah.

Ugu dambeyn, Xasan Khayre ayaa sheegay in warbaahinta looga baahan yahay inay ka qayb-qaatana dhismaha dalkooda, isagoo xusay in kuwa aan doonayn inay dalka dhisaanna looga baahan yahay inay ka aamusaan oo aysan waxba u dhimin.

DHAGEYSO: Hadalka RW Khayre uu u jeediyay Qaybaha Bulshada;

https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/02/DHAGEYSO_Khudbadda_Khayre_Dalka.mp3

PUNTLAND POST

The post RA’IISUL WASAARE KHAYRE: Waxaa naga go’an in dalka aan gaarsiino doorasho qof iyo cod ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this