Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland oo bilaabay fulintii Amarkii uu siiyay madaxweyne Deni

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamadii dhawaan gaaray magaaladaasi ay bilaabeen fuinta amarkii uu siiyay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Ciidamadan oo u badan kuwo Boolis ah ayaa dhawaan gaaray magaalada Boosaaso, waxaana la sheegay inay durba bilaabeen howlgal lagu xaqiijinayo amaanka magaalada, sida saraakiisha ay sheegeen.

Ciidamada ayaa heysta amar labo maalin ka hor kasoo baxay madaxweynaha Puntland, kaasi oo ahaa inay wax badan ka badalaan hanaanka sugidda amaanka magaalada Boosaaso oo dhawaan dil uu ka dhacay.

Toddobaadkan ayaa waxaa  magaalada Boosaaso gaar ahaan dekadda magaalada agu dilay madaxii shirkadda P&O ee maamusha dekedda magaalada Boosaaso, waxaana dilkaasi sheegtay Al-Shabab.

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen. Axmed Muuse oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dheeraadka ah ee la geeyay magaalada Boosaaso ay fulinayaan amarka madaxweyne Deni, islamarkaana ay sugi doonaan amniga.

Madaxweyne Deni ayaa isagaba ku wajahan magaalada Boosaaso, waxaana muuqata in howlgalada ay yihiin kuwo labo ujeedo laga leeyahay, waxaana wali socda baaritaanka dilkii ruuxii ajnabiga ahaa ee Boosaaso lagu dilay.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this