Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka dhashay gacansiga Itoobiya ee Gobolada dhexe (Halis aan laga warheyn)

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Badeeco u badan Shidaal iyo Qalabdhismo ayay Itoobiya si maalinle ah ugu beec geysaa gobolada Dhexe ee Soomaaliya, magaalooyinka Beledweyne, Guriceel, Dhuusamareeb iyo Galkacyo ayaa kamid ah magaalooyinka uu hadda gaaro ganacsiga kayimaada Itoobiya.

Shamiito ama Sibir, tiirarka lagu dhisto guryaha,  Shidaal iyo cabitaano gasacadeysan ayaa kamid ah badeecooyinka gaara gobolada dhexe.

Sibirka ama Shamiitada oo dhowr nuuc ah oo kayimaada gobolka Dowlad deegaanka Soomaaliyeed ama Soomali galbeed ayaa hadda lagu iibiyaa suuqyada qalabka dhismaha ee gobolada dhexe, ganacsiga iyo suuqgeynta badeecooyinka kaladuwan ayaa billaabatay kaddib isbeddelka dhinaca hoggaanka ah ee Itoobiya kadhacay sanadkii 2018.

Qiimaha Sibirka ama Shamiitada Itoobiya ayaa jebiyey Sibirka kayimaada waddamada Carabta sida Cummaan, sidaas oo kalana Tiirarka wax lagu dhiso oo kayimaada hadda gobolka Oromiya ayaa suuqa kasii saaraya tiirarka dhismaha ee gudaha oo ka yimaada gobolada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Bay.

20190205_094055-696x522.jpg

Shamiitada katimaadda Diradhaba ee loo iibgeeyo gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa qiimaheedu yahay Shsom 153000 oo u dhiganta $6.50, halka Sibirka kayimaada Cummaan uu qiimihiisu yahay Shsom: 235,000 oo u dhiganta $10.00, taasina waxa ay keentay in Sibirka Cummaan oo ka soo dega dekedda Boosaaso ee gobolka Bari ay yaraato bahaida loo qabo iyo dalabkiisa guud mar haddii ay suuqa gobolada dhexe kujirto Shamiito ka raqiisan tayao ahaanna aan ka liidan.

Dhinaca Shidaalka waxa taga gobolada dhexe ee Soomaaliya shidaal ay Itoobiya kala soo degto dekedda Jabuuti kaas oo tartan dhinaca qiimaha ah kula jira Shidaalka gobolada dhexe uga yimaada Muqdisho iyo Boosaaso oo ka soo dega dekadaha Boosaaso iyo Muqdisho.

20190205_094319-e1549610757756.jpg

Shidaalka kasoo dega Muqdisho iyo Boosaaso ayaa hadda qiime ahaan kasareeye kan Itoobiya ay kala soo degto Jabuuti, sababtuna waa in kan Itoobiya uu kuyimaado waddo hagaagsan oo aan qiime aan canshuur ahayn ku kordhin shidaalka halka shidaalka Boosaaso iyo Muqdisho ay Canshuurta u dheertahay lacagta jidadka looga qaado oo maamullo iyo jidgooyo kaladuwan ay kaqaadaan gaadiidka shidaalka sida, lacagtaas oo kordhineysa qiimaha  shidaalka  dekedaha Muqdisho iyo Boosaaso uu kutago gobolada dhexe.

Qiimaha Fuutsada shidaalka ah ee kazoo degta dekadaha Muqdisho iyo Boosaaso ayaa ka ah suuqyada gobolada dhexe $133.00, halka Shidaalka ay Itoobiya kala soo degto dekedda Jabuuti uu ka yahay suuqyada gobolada dhexe ee Soomaaliya $126.00

Maxaa kadhashay gacansiga Itoobiya ee Gobolada dhexe?

Tiirarka laga keeno gobolka Oromiya ee dhismaha oo kasoo go’a beero ay leeyihiin ganacsato Oromo ah ayaa beddelay tiirarkii dhismaha guryaha loo adeegsanayey ee ka imaanayey gobolada gobolada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Bay, sidaas awgeed dhammaan dadkii ka ganacsan jiray waxa ay hadda isugu jiraan kuwo qaata oo beecgeeya  tiirarka dhismaha ee  gobolka Oromiya ee Itoobiya iyo kuwo aan waxba soosaarin, balse dad badan ayaa taas u arka in ay waxtar leedahay maaddaamada jaridda geedka Hareeriga laga maarmayo.

Ganacsatada gaadiidka ee Shidaalka ka keena Boosaaso iyo Muqdisho ayaa sheegay in inta badan gaadiidkii kasoo daabulayey Shidaalka iyo shamiitada dekedaha magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso ee keenayey gobolada dhexe ay howlgab ku dhow yihiin mar haddii Badeeco ka raqiisan ay timid gobolka, taas oo qiime ahaan ka yar kharashka galaana uu aad uga hooseeyo.

Maxay kaqaadataa Itoobiya gobolada dhexe ee dalka?

Sida ay ganacsatada Shidaalka iyo shamiitada gobolada dhexe qaarkood  sheegeen Itoobiya waxa ay joojisay in ay qaadato Fooxa iyo cusbada oo ay kaqaadan jirtay Soomaaliya gaar ahaan gobolada dhexe, sidaas oo kale waxa ay joojisya in gaadiidka kategey Soomaaliya oo sida Badeeco uu galo gobolka Soomaalida iyo dalka Itoobiya oo dhan.

Gaadiidka iyo Shaqaalaha keena shidaalka iyo Shamiitada Itoobiya dhammaan waxa iska leh Itoobiya, tusaale ahaan shidaalka, Shamiitada iyo Tiirarka dhismaha ee Itoobiya kayimaada waxaa la socda shaqaale Oromo ah oo kashaqeynayay shubidda iyo dejinta Badeecada, taasina waxa ay shaqo la’aan dhigtay kumanaan Soomaali ah oo kashaqeyn jiray kaxaynta gaadiidka, dejinta badeecooyinka kayimaado Muqdisho iyo Boosaaso.

Xigasho Mustaqbal Radio

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this