Sign in to follow this  
Deeq A.

Goorta ciyaarta u dhaxeyso Eritrea iyo Soomaaliya ka dhacayso Muqdisho oo la iclaamiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in 30 sano kadib ciyaar caalami ah ay ka dhaceyso magaalada Muqdisho, ciyaartaasi oo u dhaxeyn doonta Soomaaliya iyo Eritrea.

Ciyaarta oo ka dhacay Koonis Stadium ayaa noqoneysa ciyaartii ugu horeysay oo ka dhacda magaalada Muqdisho 30 sano kadib, sida ay sheegeen xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.

Cabdi Qani Saciid Carab ayaa sheegay in mustaqbalka ay rajeynayaan inay dalka ku casuumaan ama ku marti geliyaan ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afica ee Cecafa, sida uu hadalka u dhigay.

Nabad galyada yar ee hadda jirta ayuu sheegay inay suuro galisay in 16 Bishaan ay magaalada Muqdisho ka dhacdo ciyaar u dhaxeysa xulalka da’da yar ee Soomaaliya iyo Eritrea.

C/Qani Saciid Carab, oo isaga ah madaxweyne ku xigeenka xiriirka Bariga iyo bartamaha Africa ayaa sheegay in dadweynaha ay daneynayaan iney dalka ku daawadaan ciyaaraha caalamiga ah.

“Mustaqbalka soo socda waxaan dalka ku casuumi doonaa tartanka bariga iyo bartamaha africa  ee Cecafa, Hadda waxaan heysanaa nabad taas oo dalka kusoo celisay inaan dhiirano, waxaan ku faaxsanahay, inaanu ugu dambeyn marki gelin doono ciyaaro caalami ah soddon sano kadib”ayuu yiri Mr Carab

Ciyaarta u dhaxeyn doonta dhalinyarada Soomaaliya iyo Eritrea ayaa qeyb ka ah isdhexgalka labada dal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this