Deeq A. Posted February 8, 2019 Muqdisho (SMN) – Habeenimo Arbaco ah, ayna soo galeysa Khamiis 8-dii Febraayo 2017-kii maanta oo kale, ayay ahayd markii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo loo doortay madaxwaynaha dalka. Fantasiyo waawayn oo ay ka qaybgalayaan madax ka tirsan dowlada federaalka ah looguna dabaaldegayo sanad-guuradii 2aad ee Madaxwaynaha ayaa saacadaha soo aadan ka qabsoomeysa caasimada. Khudbado kala duwan ayaa la filayaa in halkaasi ay ka jeediyaan madaxda, iyada oo Madaxwayne Farmaajo oo sida caadada ah qaadan doona hadal-jeedinta ugu dambeysay uu kaga hadli doono wax-qabadkiisa. Dowlada uu marajaha u hayo madaxwayne Farmaajo ayaa wax badan ka qabatay dhinacyada dhaqaalaha, xiriirka caalamiga ah iyo arrimaha gudaha, inkasta oo laga dhowrayo howlo intaasi ka baaxad wayn. The post 2-sano oo kasoo wareegtay markii la doortay Farmaajo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites