Deeq A. Posted February 8, 2019 Muqdisho (SMN) – Mareykanka ayaa fahfaahin dheeraad ah ayaa ka bixiyay duqaymaha uu Soomaaliya ka fuliyay sanadkii hore iyo kan cusub ee 2019. Madaxda howlgalka Mareykanka ee qaarada Afrika, Thomas Waldhauser, ayaa xusay in 2018-kii ay 323 Al-Shabaab ka tirsan ay ku dileen 50 howlgal. Waldhauser ayaa u sheegay Congress-ka Mareykanka in sanadkaan cusub ee 2019 illaa iyo haatan ay 113 Shabaab ay ku khaarijiyeen tobaneeno duqaymo ah. Sarkaalka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada xooga dalka ay ka taagarayaan sidii ay ula wareegi lahaayeen amaanka guud ee wadanka. Ugu dambeyntii, wuxuu xusay inay jiraan waxyeelo shacabka kasoo gaara weerarooda cirka ah, balse ay ku dadaalayaan sidii ay uga hortegi lahaayeen. The post Mareykanka: “323 AlShabaab ayaan duqayn ku dilnay 2018” appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites