Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda oo war kasoo saartay gaadiid dadweyne oo markale Al Shabaab ay gubeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Afgooye (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa markale gaadiid weyne ku gubay meel ku dhow degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo la sheegay inay ku sugnaayeen deegaanka Doonka.

Al Shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay deegaanka Doonka oo aan ka fogeyn degmada Afgooye ku gubay gaadiid dadweyne, waxaana ku xigtay inay xalay kuwo kale ay ku gubeen isla deegaanka.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya C/fataax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay inay ka warhayaan dhibaatada dadka shacabka ah ay kala kulmayaan Al Shabaab, isaga oo sheegay inay dhawaan jawaab ka bixin doonaan.

Gelinkii dambe ee shalay iyo xalay ayaa la sheegay in xubnaha Al Shabaab ay ku gubeen deegaanka Doonka ku dhawaad 5 gaari, waxaana ka horeysay todobaad ka hor markii 7 gaari ay ku gubeen isla deegaanka.

Sababta ka dambeysay gubidda gaadiidkaan ayaa la sheegay in Al Shabaab ay gaadiidka ku qabteen iyaga oo dhuxul wada, islamarkaana ay deegaanadooda ka mamnuuceen jarista dhirta.

Waa markii labaad oo gaadiid dhuxul usoo wada magaalada Muqdisho Al Shabaab ay ku gubaan deegaanka Doonka ee duleedka magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Sh/Hoose
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this