Sign in to follow this  
Deeq A.

In DP World aysan dhiseyn dekedda BERBERA waxaa caddeyn u ah hadallada maareeyaha dekedaha S/L

Recommended Posts

Deeq A.   

Taariikhdu markay ahayd 23 Sep 2017, waxaa xilka mareeyaha dekadaha Somaliland  si rasmi ah  ula wareegay  Saciid Xasan Cabdilaahi, kaas oo xilkaa uu usoo magaacabay madaxweynihii hore ee Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo iyadoo xilkaasi uu uu kala wareegay Axmed Yuusuf Dirir.

Haddaba waxaa maalamahan soo badanayay dareenka laga qabo inuu fashilmay   mashuuruucii lagu balaadhinyay dekeda Berbera.

Warbaahinta kasoo baxda dalka ayaa dabagal ay ku samaysay, waxayna ogaatay inaan dekeda Berbera habayaartee aan waxaba lagu kordhin intii ay joogtay shirkada DP World, iyadoo qalabkii iyo agabkii hor uyaalay  ee lagu wareejiyay shirkada DP World uu noqday qalab burburay ama baaba’ay, waa sida ay warbaahintu sheegeene.

Hadba dulucda sheekada aynu usoo daadagnee, waxaa dhawr goor warbaahinta hadallo isdhaaf ah ka bixiyay mareeyaha dekadaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillaahi oo waqtiyo ku kal cabiray xiliga la billaabayo dhismaha dekedda Berbera.  Hadallada isdhaafka ah ee masuulkani bixinayo waxay kuu tilmaamayasa in mashruucaasi gabi ahaanba fashilmay

Tusaale ahaan

Mar uu mareeyuhu waraysi siinayay taleefeshinka Dawladda, waxa uu sheegay in dekeda Berbera la billaabayo September 2018. Haddana is xog waraysi kale oo uu siiyay Guddida ilaalinta dhaqaalaha ee golaha guurtida, waxa uu ku sheegay inuu mashruucaasi billaabmay octobar 2018, loona tirinayo 24 bilood. Iyadoo labada ballamood ay noqadeen qaar beenoobay, ayaa waraysi uu siiyay wargayska ku hadla afka dawlda ee Dawan, waxa uu haddana ku sheegay mareeyuhu inuu mashruuca ballaadhinta dekedda Berbera uu si rasmi ah u billaabmayo 15 Janaayo, 2019.

Muddo markay bulshadu u dhag taagaysay inuu billaabmo mashruucaasi, oo aan ilaa wali haatana anuu bilaabmin, ayaa waxa uu waraysigiisii ug dambeeyay uu siiyay  telefeshanka Bulsho, kaasi oo uu ku shegay in mashruucaasi billaabamay Octobar 2018, oo uu soconayo muddo 22 billood.

Hadalladan is dhaafka ah ee uu mareeyuhu bixinayo iyo wax qabad la’aanta shirkada DP World, waxay sumcadda ka dilaysaa mareeyahay dakadaha Somaliland mudane Siciid Xasan Cabdillaahi

W/Q Cabdiraxiim Cabdillaahi

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this