Sign in to follow this  
Deeq A.

“Sanadkaan waxaan rajeyneynaa in Cadaaladda Facebook iyo siyaasadda laga raadiyo meesha ka baxdo”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa ka hadlay garsoorka dalka iyo culeesaadka ka jira.

Wuxuu sheegay in sanadkaan 2019 ay rajo weyn ka qabaan in guddoonka maxkamadda sare ee dalka iyo dhamaan dadka ka shaqeeya cadaaladda inay dhameystiraan shaqooyinkii hagaajinta hanaanka garsoorka ee horey loosoo qabtay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Sanadkaan ay rajeynayaan in meesha ay ka baxdo in cadaaladda laga raadiyo baraha Bulshada iyo Siyaasadda, islamarkaana ay dadka dareemaan inay heleen cadaalad sax ah.

Hay’addaha garsoorka ayuu sheegay inay u taalo shaqo adag oo ah inay garsoorka dalka Gaarsiiyaan meesha ugu sareyso, si meesha ay kaga baxdo in cadaalad laga raadiyo baraha Bulshada.

“Maxkamadda sare iyo dadka ka shaqeeyan cadaalada waxaan ka rajeynayaa inay ka shaqeeyaan dhameystirka shaqooyinkii hore loosoo qabtay, oo meesha ay ka baxdon in AL Shabaab dadka u raadiyaan cadaalad”.

“Waxaan rajeyneynaa in garsoorka dalka uu noqdaa halka kaliya ee shacabka ku kala baxaan oo meesha ay ka baxdo in cadaaladda xal looga raadiyo Siyaasad iyo baraha Bulshada”ayuu yiri Shuute.

Hadalkaan ayuu ka jeediyay shirkii garsoorka dalka oo shalay lagu soo gabo gabeeyay magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this