Sign in to follow this  
Deeq A.

ITOOBIYA oo gacanta ku dhigtay hal milyan oo dollar iyo dahab tiro badan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wajaale (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya degmada Wajaale oo ku taala xuduuda Dowladda Ethiopia maamulka Somaliland la wadaago ayaa sheegaya in halkaasi lagu qabtay lacag tiro badan.

Wararka ayaa sheegaya in lacagta ciidamada Ethiopia ay qabatay ay gaareyso 1.5 Milyan (Hal Milyan iyo Bar) oo doolar, waxaana la sheegay in la xiray shaqsiyaadkii lagu qabtay lacagtaasi.

Wakaalada Wararka dalka Ethiopia ee FANA ayaa shaacisay in gacanta lagu dhigay lacagtaasi iyo Dahab tiro badan oo lagala soo baxay gudaha dalka Ethiopia, sida warbixin lagu sheegay.

Wakaalada Wararka FANA ayaa baahisay in ciidamada booliska Ethiopia ay lacagtaasi gacanta ku dhigeen xili ay baaritaan ka sameynayeen bar ilaalineed ku taala magaalada Wajaale.

Adanech Abebe o ah Wasiirka Wasaaradda Dakhliga Ethiopia ayaa shaacisay in lacagta la qabtay ay ka kooban tahay 8,200 oo Yuuro, 31,990 pound, 25,665 Doolarka Canada  8,800 oo doolarka Australia, 1,393 Diinaarka Kuweyt, 690 Lacagta Switzerland.

“Waxa lacagta sidoo kale ku jira 80,870 Kiraawnka Norway, 4,810 Riyaalka Qadar, 72, 725 Dirhamka isutagga Imaaradka, 904 Riyaalka Baxreyn, 734,088 Riyaalka Sufa, 4 lacagta cumman iyo 7 Kiilo oo dahabka qayriin”ayay tiri wasiirka Dhaqaalaha Ethiopia.

Ethiopia waxaa sanadkii laso dhaafay lagu qabanayay waxyaabo kala duwan oo ay ku jiraan waxyaabaha maanta dooriya iyo lacago kala duwan, sida ay baahisay wakaalada Wararka ee FANA.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
Caasimadaa@Live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this