Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahad Celin ka socota Muj. Osman Omar Dool

Recommended Posts

Deeq A.   

Mahad Celin.

Anigoo ah Osman Omar Dool degan dalka Norway caasimada Oslo waxaan marka hore Alle ka baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo Samir iyo iimana uu ka siiyo beerteedii, ehelkeedii, asxaabteedii, jaarkeedii iyo dhamaan intii geerideedu ay damaqdayba, hooyaday Aamina Hassan Du’ale oo geeridii xaqa aheyd ku haleeshay magaalada Hargeisa 05.02.19, Waxa kale oo Alle ka baryaayaa inuu naxariistiisa balaadhan ugu deeqo, hooyoyinkii kale ee muslinimo ku dhintay, waalidiinteenii, ehelkii qaraabadii inaga baxday iyo dhamaan muslimiintii xijaabatayba, inaguna markaynu ka dabatagno uu inoo naxariisto Aamiin.

Ducadaa ka dib waxaan mahad celin aan la soo koobi karin aan halkan u marinayaa dhamaan intii si toosa iyo si dadbanba noola wadaagtay, noo soo tacsideysay, noola damqatay, noola ducaysay, aaskii ka qayb qaadatay geeridaa ka dib. Waxaanan leeyahay walaalayaal Ilaahay ajar iyo xasanaad ha idinka siiyo dhamaantiin.

Waxa kale oo aan u mahadceniyaa Dhakhaatiirtii, nurseskii iyo bahdii caafimaadka oo inta taagood ku dadaalay inay badbaadiyaan hooyaday, lakiin ay tii Alle ka xoog badatay.

Ugu danbeyn waxaan si gaara ugu mahad celinayaa hablihii ama dumarkii aanu ehelka aheyn ee intii uu hooyaday hayay xanuunka geeridu sida bila hagrashada ah hadh iyo habeenba heeganka ugu ahaa. Iyagana waxaan leeyahay Ilaaha Qaniga ahi ha idinku abaal mariyo deeqdiisa balaadhan. Aniguna ma ilaawi doono sidii aad yeesheen.

Wa bilaahi Tawfiiq
Osman Omar Dool Oslo Norway

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this