Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa maxay sababta Muuse Biixi ugu kalifay Dr Sacad Cali Shire inuu kala hadlo?

Recommended Posts

Deeq A.   

Waa maxay sababta Muuse Biixi ugu kalifay Dr Sacad Cali Shire inuu kala hadlo.

Waxaa cidkasta oo arrimaha Somaliland si dhaw ula socotaa ka dheregsan tahay in Musuqmaasuq iyo Qabyaalad xadhkaha goostay oon loo meel dayini Dalka ka dhacday tan iyo intii Xukuumada Kulmiye talada Dalka la wareegtay sannadkii 2010. Ogoow Musuqmaasuqaas 90% waxaa ku kacay waa cid gaar ah oo Beelo gaar ah kasoo jeeda islamarkaasna Heshiis ku ahaa Boobka iyo Dhaca Xoolaha ummada.

Haddaba markii Xukuumadii hore ee Siilaanyo Xilka wareejinaysay waxaa Shacabku dareen wayn ka qabay inay Lacag badan oo Dayn ah ku wareejinayso Xukuumada Muuse Biixi. Waxaana Bulshadu isla dhexmaraysay xoggo hoose oo kasoo baxayay Dad xogogaal ah arrimaha Dayntaas.

Hase yeeshee, waxaa dhacday in Wasiirkii Maaliyada ee Xukuumadii Siilaanyo Samsam Cabdi Aadan sheegto inaanay wax Dayn ah ku wareejin Dawlada cusub ee Muuse Biixi wakhtigii ay Xilka wareejinaysay.

Yeelkeede, shacabku waxay markasta u fahamsanaayeen in laba kooxood oo hoos isu og islamarkaasna ku shuraako ahaa Boobka iyo Dhaca Hantida Qaranka ee Shacabkii laga soo ururiyay ka baahan yihiin ay xilka isku wareejiyeen islamarkaasna isu Xaalmastuurayaan.

Waxa kale oo aad looga dheregsan yahay in Muuse Biixi ahaa Gudoomiyaha iyo Musharaxa Xisbiga Kulmiye, Door wayna ku lahaa Musuqmaasuqa dhacay iyadoo Lacagtan hadda la isku haysto ee $80,0000,0000 ay qayb ka tahay lacagtii loo isticmaalay Doorashada ee Muuse Biixi lagu soo saaray. Sidaas darteed ayuu Muuse Biixi ugu khasbay Wasiirkiisa Maaliyada Dr Sacad Cali Shire oo ah Shakhsi Qiyamkiisa Dadnimo aad u hooseeyo inuu warkii hore ee uu Goobjooga ka ahaa markii la sheegayay islamarkaasna uu ayidsanaa wax ka duwan isla soo hortaago ummada oo hortooda isku gawraco.axaa cidkasta oo arrimaha Somaliland si dhaw ula socotaa ka dheregsan tahay in Musuqmaasuq iyo Qabyaalad xadhkaha goostay oon loo meel dayini Dalka ka dhacday tan iyo intii Xukuumada Kulmiye talada Dalka la wareegtay sannadkii 2010. Ogoow Musuqmaasuqaas 90% waxaa ku kacay waa cid gaar ah oo Beelo gaar ah kasoo jeeda islamarkaasna Heshiis ku ahaa Boobka iyo Dhaca Xoolaha ummada.

Haddaba markii Xukuumadii hore ee Siilaanyo Xilka wareejinaysay waxaa Shacabku dareen wayn ka qabay inay Lacag badan oo Dayn ah ku wareejinayso Xukuumada Muuse Biixi. Waxaana Bulshadu isla dhexmaraysay xoggo hoose oo kasoo baxayay Dad xogogaal ah arrimaha Dayntaas.

Hase yeeshee, waxaa dhacday in Wasiirkii Maaliyada ee Xukuumadii Siilaanyo Samsam Cabdi Aadan sheegto inaanay wax Dayn ah ku wareejin Dawlada cusub ee Muuse Biixi wakhtigii ay Xilka wareejinaysay.

Yeelkeede, shacabku waxay markasta u fahamsanaayeen in laba kooxood oo hoos isu og islamarkaasna ku shuraako ahaa Boobka iyo Dhaca Hantida Qaranka ee Shacabkii laga soo ururiyay ka baahan yihiin ay xilka isku wareejiyeen islamarkaasna isu Xaalmastuurayaan.

Waxa kale oo aad looga dheregsan yahay in Muuse Biixi ahaa Gudoomiyaha iyo Musharaxa Xisbiga Kulmiye, Door wayna ku lahaa Musuqmaasuqa dhacay iyadoo Lacagtan hadda la isku haysto ee $80,0000,0000 ay qayb ka tahay lacagtii loo isticmaalay Doorashada ee Muuse Biixi lagu soo saaray. Sidaas darteed ayuu Muuse Biixi ugu khasbay Wasiirkiisa Maaliyada Dr Sacad Cali Shire oo ah Shakhsi Qiyamkiisa Dadnimo aad u hooseeyo inuu warkii hore ee uu Goobjooga ka ahaa markii la sheegayay islamarkaasna uu ayidsanaa wax ka duwan isla soo hortaago ummada oo hortooda isku gawraco.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this