Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalka Vietnam Iyo Marti Galintiisa Hoggaamiyaasha Maraykanka & Kuuriya. Warbixin

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Washington)Kim Jong-un iyo Donald Trump ayaa markii labaad kulmi doona 27-28 bisha FebraayoBishii Maarso 1965, ciidammadii ugu horreeyay ee Ameerikaan ah ayaa waxa ay ka dageen magaalada Danang, ee koonfurta Vietnam, si ay halkaas uga bilaabaan ku lug lahaanshiyaha Mareykanka ee dagaalkii uu dhiigga badan ku daatay ee u dhaxeeyay hanti-wadaagga iyo hanti-goosadka ee koonfur-bari Aasiya.

F5581882-28AA-4305-9D5F-FF436B0A0B95.jpe

Ku dhawaad afartan iyo afar sanadood kaddib, isla magaaladaasi ayaa waxa ay martigalinaysaa kulan dhexmari doona cadawgii hore ee Vietnam iyo xulafadii xilligii Dagaalkii Qaboobaa, waa Kuuriyada Waqooyi ee.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa waxa uu xaqiijiyay in kulankiisa labaad ee uu la yeelayo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, uu 27 iyo 28 Febraayo ka dhici doono dalka Vietnam.

Goobta rasmiga ee uu kulankaasi ka dhici doono ayaa noqon doonta laba magaalo un midkood waa Danang ama Hanoi.

Maxaa Vietnam lagu doortay?

Vietnam oo ay maamulaan shuuciyiin balse dhaqaalaheedu uu hanti-goosadku yahay ayaa haatan waxaa loo arkaa inay saaxiib la tahay Washington iyo Pyongyang.

Dalka ayaa waxaa haatan waxaa loo arkaa inuu yahay “goob dhexdhexaad ah” oo buuxin karo dhammaan shuruudaha ay doonayaan Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi, sida uu sheegayo Carl Thayer, oo khabiir ku ah arrimaha Vietnam oo uu saldhiggiisu yahay Jaamacadda New South Wales, ee dalka Australia.

Prof Thayer ayaa waxa uu u sheegay in “Doorashada Vietnam loo doortay inay martigaliso kulanka labaad ee Trump iyo Kim ma ahan oo kaliya mid xulasho un ku timid.”

“Vietnam waxaa loo doortay in dhab ahaantii dhammaan dhinacyadu ay ku kalsoon yihiin awoodda ay u leedahay inay sugto ammaanka kulankaasi. Dhammaan dhinacyaduna waxa ay rumaysan yihiin in Vietnam ay tahay goob dhexdhexaad ah.”

Waa maxay sababta Kim uu u ogolaadayVietnam?

Kim ayaa Vietnam waxa uu ku tegayaa duulimaad ammaan ah oo uu ku dulmarayo Shiinaha. Labadaasi dalba waxa ay ka mid yihiin dalalka kooban ee uu xiriirka wanaagsan kala dhaxeeyo Pyongyang.

Prof Thayer ayaa waxa uu sheegayaa in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu u arko booqashadiisa ugu horraysa ee Vietnam fursad uu “ku muujin karo in Kuuriyada Waqooyi aanay go’doonsanayn”.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa uu darsay habka horumarka ee Vietnam safarkiisana waxaa suuragal ah in Kim uu ka helo fursad uu indhihiisa ugu arki karo isbadelka dalkaasi ka socda.

“Taariikhda Vietnam ee dagaalkii ay la gashay Mareykanka iyo dib u soo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee dalkaasi, iyo wadaxaajoodka heshiisyo ganacsiga xorta ah, iwm., ayaa ah wax uu danaynayo maamulka Kuuriyada Waqooyi,” Prof Thayer ayaa yiri.

Le Hong Hiep, oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha Vietnam oo ka howlgala Mac-hadka ISEAS-Yusof Ishak ee Singapore, ayaa waxa uu u sheegay wakaaladda wararka AFP: “(Kim) waxa uu jeclaan lahaa inuu indhihiisa ku arko xaaladda Vietnam. Taasna waxa ay u noqon kartaa hididiilo iyo marjac uu ku qaabayn karo habka uu horay ugu wadi karo Kuuriyada Waqooyi.”

Waa maxay sababta Trump uu u ogolaaday Vietnam?

Haddii Kim uu dhiirigelin ka helo guusha dhaqaalaha ee Vietnam, haddaba taasi ayaa waxaa suuragal ah in noqoto mid u soo jiidda Washington.

Tan iyo wixii ka dembeyay isbedeladdii dhaqaale ee loogu magac daray Doi Moi ee sanadkii 1986 ee looga gol lahaa in la asaaso suuq bulshada diiradda lagu saarayo, ayaa Vietnam waxay ka mid noqotay mid ka mid ah dalalka qaarada Aasiya ee uu dhaqaalahooda sida xowliga ah sare u kobcayo.

Xilli uu booqasho ku tegay dalka Vietnam sanadkii hore, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Mike Pompeo, waxaa uu sheegay in haddii Kim uu si wanaagsan u isticmaalo fursadda uu haysto uu mucjiso ka dhigi karo Kuuriyada Waqooyi.

Trump waxaa uu booqday dalka Vietnam sanadkii 2017 markii dalkaas uu marti galiyay shirka dhaqaalaha ee dalalka Asia-Pacific-gga (APEC), Prof Thayer waxaa uu sheegay in Vietnam ay isu aragto goob labada dhinac ay kalsooni ku qabaan.

Waxaa uu intaasi ku daray: ”Mareykanka waxaa uu garwaqsan yahay taabagelinta mudada dheer ee Vietnam ee ay ku xakamaysay hubka wax gumaada, iyo taageerada haatan ay ka gaysatay fulinta cunaqabataynta ay Qaramada Midoobay ku soo rogtay Kuuriyada Waqooyi.

Shirka taarikhiiga ee Mareykanka iyo Kuuriyadda Waqooyi ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli dalka uu diyaar u yahay in uu soo bandhigo kartidiisa diblomaasiyadeed iyo in ay ka go’an tahay in uu soo jiito maalgashiga dibedda.

Ku dhawaaqista kaddib, xafiiska Madaxweynaha Kuuriyadda Koonfureed ayaa soo dhaweeyay madasha shirka ee loo doortay Vietnam.

” Vietnam ayaa mar hub kala soo horjeeday Mareykanka, balse maanta waa saaxiibo,” wakaalada wararka ee Yonhap ayaa soo xigatay Afhayeen Kim Eui-kyeom oo sidaasi leh.

”Waxaan ku rajo weynahay in Vietnam ay noqon doonto meel u wanaagsan Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi si taarikh cusub loo sameeyo.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this