Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Khayre oo ballan-qaaday dhamaystirka Dastuurka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta soo xiray shir Muqdisho uga socday Wasaaradda, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista Dastuurka

Khayre ayaa sheegay inay dowladu ka go’an tahay dhamaystirka dastuurka iyo in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Kulanka uu Ra’iisul Wasaaruhu soo xiray ayaa si qota dheer looga hadlay horumarka laga gaaray dib-u-eegista Dastuurka iyo qorshaha lagu dhamaystirayo ee sannadkaan 2019.

Ra’iisul Wasaaraha oo mas’uliyiinta uga mahadceliyay dib-u-eegista lagu sameeyay tobanka cutub ee ugu horreeya dastuurka ayaa ku dhiirri geliyay in dib-u-eegista cutubyada dhiman ay sida ugu dhaqsaha badan ugu guulaystaan.

The post RW Khayre oo ballan-qaaday dhamaystirka Dastuurka appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this