Sign in to follow this  
Deeq A.

Amaro kasoo baxay kulan looga hadlay amniga Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (SMN) – Guddiga amniga ee degmada Balcad ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta degmadaasi ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan oo ay ku jiraan taliyaasha hay’addaha amaanka.

G/Dhexe Xuseen Macalin Cabdulle, taliyaha booliska degmada Balcad, ayaa shaaciyay in laysla meel-dhigay inaan hub lagu dhex-qaadan gudaha degmada.

Amniga degmada Balcad ayuu xusay inuu yahay mid laysku haleyn karo waqti xaadirkaan, islamarkaana aanu jirin baqdin arrinkaasi ku aadan.

Dhinaca kale, Qaasim Cali Nuur, gudoomiyaha degmada Balcad, ayaa cod dheer ku dalbaday inaan la buun-buunin shaqaaqo dhowaan ka dhacday halkaasi.

Ugu dambeyntii, Gudoomiye Qaasim ayaa balanqaaday inay gacan bir ku qaban doonan qofkii lagu arko isaga oo Hub ku dhex-wata gudaha degmada.

Dhowaan ayay ahayd markii iska hor-imaad uu degmada Balcad ku dhex-maray ciidamo kala taabacsan maamulka, inkasta oo xaalada ay haatan degan tahay.

The post Amaro kasoo baxay kulan looga hadlay amniga Balcad appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this