Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay shirka London ee shidaalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay shirka London oo qaar kamid ah siyaasiinta Soomaaliyeed ay dhaliileen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay bandhig ku saabsan sahaminta shidaalka Soomaaliya oo dowladii ka horeeysay ay sameysay.

Farmaajo ayaa beeniyay in shirkaasi shidaalka Soomaaliya lagu beecinayo, isaga oo sheegay in siyaasiin ka soo horjeedo hormarka Soomaaliya ay soo abaabuleen arintaasi.

Waxaa uu sheegay in dowlada uu isaga hogaamiyo aysan aheyn dowlad ganacsi, hayeeshee ay tahay dowlad dooneysa in ay ka shaqeyso arimaha dadweynaha.

Buuq badan ayaa ka dhashay shirka London maanta ka furmay oo ku saabsan soo bandhigista sahaminta shidaalka Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso codka madaxweynaha.

https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/02/Cod-Farmaajo.mp3

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay shirka London ee shidaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this