Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Dibadbaxa lagu diidan yahay shirka London oon noqon sidii la filayey

Recommended Posts

Deeq A.   

London (Caasimada Online) – Banaanbax looga soo horjeedo Shirka lagu suuqgeynaayo Shidaalka Soomaaliya ee goor dhow ka furmay Magaalada London ayaa ka socda Iridda Hore ee xarunta lagu shiraayo.

Dad Soomaaliyeed oo sida ay sheegeen, kala yimid dalalka Yurub ayaa hor-taagan halka uu shirku ka socdo, waxaana ay sheegayaan in ay si weyn uga soo horjeeddaan in la beeciyo Kheyraadka Soomaaliya xilli aysan jirin dowlad xooggan.

Si kastaba, dibadbaxayaahsa ayaa aad uga yar sidii la filayey. Ayada oo maalmahan ay socdeen guuxyo ku saabsan banaanbax bax xooggan oo la qorsheynayey, ayaa dadka kasoo hor muuqday hotelka ay u muuqdeen dad aad u yar, oo aan xitaa dhameyn 100 qof.

Qiyaas ahaan waxay u muuqdeen 50 ilaa 70 qof, inkasta oo aan tiro rasmi ah laga hayn. Si kastaba, waxaa macquul ah in dadka ay gadaal kasoo bataan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda ay dadaal ku bixisay sidii loo baajin lahaa dibadbaxa ama ugu yaraan loo yareyn lahaa saameyntiisa.

Shirkaan waxaa la soo bandhigi doonaa xirmooyin 50 (blocks) oo ah goobaha shidaalka ceegaaga ee Soomaaliya, kaasoo ah dhul ku teedsan 173,000 KM.

Qorsha lagu suuqgeynaayo ayaa socon doona ilaa 11 July 2019-ka sidda ay sheegtay Shirkadda wadda qorshahaan.

Shirkaan ayaa waxaa abaabulay xukuumada Federaalka ah, shirkada SOMOIL oo magac bedelatay iyo shirkada Spectrum oo dalka Norway laga leeyahay.

51365770_2175232309395390_26635291397550 51527956_114733566312305_413539074964455 51547990_2175232356062052_40338816457349 51316388_10218680936403405_8944398534996

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this