Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanno Ka Tirsan Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Oo Xasaanadda Laga Xayuubiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jigjiga)-Xildhibaanada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalkaasi Itoobiya ayaa 12 xildhibaan xasaanadda kala noqday kaddi markii ay yeesheen kulan.

68ae88ff-4978-4c63-a1d3-1c3b616283e6.jpg

Xildhibaanadan ayaa la sheegay inay ku tunteen xuquuqda aadanaha iyo inay geysteen falal musuq maasuq ah.

Waxaana kamid ah mas’uuliyiinta xasaanadda laga qaaday afahayeenkii hore ee baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Maxamed Rashiid Isaaq iyo madaxweynihii kumeel gaarka ahaa ee xilka kaga dambeeyay Cabdi Maxamuud Cumar.

Xeer ilaaliyaha guud ee Deegaanka Soomaalida, Cabdiweli Jaamac ayaa BBC u sheegay in xildhibaanada xasaanadda laga xayuubiyay ay ha’yadaha sharciga u saamaxeyso inay la xisabtamaan.

Wararka waxay sheegayaan in dhammaan xildhibaanadan aysan joogin maanta kalfadhiga baarlamaanka halka laga aaminsan yahay in qaarkood aysan dalka joogin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this