Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano KaTirsan Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Oo Xasaanadda Laga Xayuubiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Jigjiga(SMN)- Xubnaha baarlamaanka maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Jigjiga xasaanadda ka xayuubiyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulkaasi.

Kulanka ay yeesheen baarlamaanka dowlad deegaanka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa 12 xildhibaan oo kamid ah baalramaanka maamulkaasi xasaanadda kala laabtay,waxaana lagu eedeeyay musuq maasuq iyo xad gudub ka dhan ah xuquuqda bin’aadanimada.

Xildhibanada xasaanadda lagala noqday ayaa waxaa kamid ah afahayeenkii hore ee baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Maxamed Rashiid Isaaq iyo madaxweynihii kumeel gaarka ahaa ee xilka kaga dambeeyay Cabdi Maxamuud Cumar.

Xeer ilaaliyaha guud ee Deegaanka Soomaalida, Cabdiweli Jaamac ayaa laanta afka Soomaaliga ee BBC u sheegay in xildhibaanada xasaanadda laga xayuubiyay ay ha’yadaha sharciga u saamaxeyso inay la xisabtamaan.

Dhamaan xildhibaanada xasaanada laga xayuubiyay ayaan ka soo qeyb gali kala fadhiga ay yeesheen baarlamaanka maamulka dowlad deegaanka Soomaalida.

 

 

The post Xildhibaano KaTirsan Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Oo Xasaanadda Laga Xayuubiyay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this