Sign in to follow this  
Deeq A.

QM Oo Taagereysa Horumada Ka Soconaya Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha Guud ee  Qaramada Midoobay Antonio Gutterres  ayaa bogaadiyay horumarka dhinacyada badan leh ee haatan kasoconaya Soomaaliya gaar ahaan sare u kaca dhanka dhaqaalaha.

War kasoo baxay Xaafiiska Xoghaya Guud ee Jimciyada Quruumaha kadhaxeeysa  ayaa lagu sheegay in ay Qaramada Midoobay ay dhiiragalinayso sidokalana ay taageereyso Isbadaladaasi ka soconaya Soomaliya  .

Mr Gutteress ayaa sidoo kale amaanay heshiisyada sanadkii tagay dhexmaray dalalka geeska Africa oo ay kamid yhiin Soomaaliya , Erreteria Ethiopia iyo Jabuuti kuwaa oo uu sheegay in ahayeen Talaabooyin horay loo qaaday.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay ay si dhab ah u taageeri doonaan isbadalada nabadeynta ee ka soconaya qaarada Africa,taasina ay ka tarjumeyso in Africa ay ka sii dhamaanayaan caqabadaha ugu weynaa ee sanadihii ugu danbeysay ay wajahaysay.

Hadlaka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa imanaya xili todobaadkan uu boqasho kutagi doono magaalada Adisababa ee xarunta dalka Ethiopia oo uu kaga qeyb gali doono shirkii 32-aad ee  ururka Midawga Africa.

 

 

 

 

The post QM Oo Taagereysa Horumada Ka Soconaya Soomaaliya appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this