Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Kulanka arrimaha caafimaadka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta magaalada muqdisho markii Labaad ku qabsoomay shirka sanadlaha ee arimaha caafimaadka Soomaliya oo sanad walba ay soo qaban qaabiso jaamacada Jamhuuriya ee Magaalada Muqdisho.

Sanadkan waxa shirkaasi diirada lagu saaray cilmi baadhis la xariirta arimaha caafimaadka ayada ay ka soo qeybgaleen cilmi baadhayaal caafimaad oo ka kala yimid dalal kala duwn oo caalamka, dhakhaatiir cafimaad, xubno ka socday kuliyadaha caafimaad ee jaamacdaha dalka, qaar kamida hay’adaha gargaarka ee Somaaliya, ardayda jaamacdaha, xubno katirsan wasaarada caafimaadka dalka, wasiirudowlaha Wasaaradda waxbarashaadda ee Somaaliya iyo arday wax kabarata culuumta caafimaadka.

Eng Mohamed Ahmed black oo ah gudoomiyaha jaamacdda Jamhuuriya ayaa sheegay in sanadkan sharku ka baaladhan yahay sanadkii hore ayada oo lagu soo badhigayo daraasado iyo cilmi baadhis gaadhaya ilaa 24 oo dhamaantood lagu eegayo xaalada caafimaad ee Dalka Somaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa.

“Sanadkan Waxaa ka soo qeybgalay cilmi badheyaal kala duwan oo ka kala yimid dadalal iyo xarumo cilmbdhis oo kala duwan oo caalmi ah Waxaana lagu soo badhigay ilaa 24 cilmi baadhis ah oo laga sameeyay arimha caafimaadka ee dalka.”

Professor Cabdi Gelle oo katirsan machadka caafimaadka ee dalka Norway islamarkaana goobta ku soo  baadhigay cilmi baadhis khusaysa sida ugu macquulsan ee loo yarayn karo dhimashada hooyada iyo dhalaanka ayaa xusay in cilmi baadhista ay sameeyeen lagu ogaaday in inkbadan 800 oo hooyo ah ay geeriyooto xiliga dhalmada boqolkii kun ee hooyo ee ku umula dalka Somaaliya islamarkaana la doonayo in la helo xal looga hortago arintaas

Wasiirudowllaha  Wasaardda Waxbarashadda Soomaaliya Hon. Abdirahman Mohamud Abdille oo kulanka goobjoog ahaa ayaa sheegay in maanta ay u tahay maalin weyn dalka Somaaliya ayada oo ay khubaradda dhanka caafimaadka ah  ee Somaalida ah ay maanta aqoontooda la wadaagayaan dadka Soomaaliyeed.

“Waa nasiib wanaag in maanta ay tahay maalin aqoon iyo cilmi la is dhaafsanayo, waa maalin taariikhi u ah dalka Soomaaliya, waa maalin ay khubaradii somaaliyeed ku howlanyihiin sideen ugu hortagnaa khatarah dalka ka jira.”

In kasta oo ay jiraan dadaalo baaxad leh oo dib u soo kabasho marka la eego dhanka caafimaadka, hadana wali waxaa ay Somaaliya heer hoose kaga jirtaa dunida marka la eego khatarta caafimaad  ee kadhalata xanuunada la dawayn karo ama kuwa laga hortagi karo.

thumbnail_1D1A0305.jpg thumbnail_1D1A0148-1.jpg thumbnail_1D1A0136-1.jpg thumbnail_1D1A0148.jpg thumbnail_1D1A0136.jpg thumbnail_1D1A0139.jpg thumbnail_1D1A0185.jpg thumbnail_1D1A0296.jpg thumbnail_1D1A0152.jpg thumbnail_1D1A0181.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this